25.1 C
New York
July 16, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

{DAAWO SAWIRADA} Warrarkii ugu dembeeyey ee xiisadda Israa’iil iyo Iiran oo kooban

Jimco 13, June ,2025  {HMC}  Iskudhaca ayaa si xowli ah u kordhaya, gaar ahaan saacaddii la soo dhaafay. Waa kuwan waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad ogaato:

Iiraan ayaa qaaday weerar cirka ah oo ka dhan ah Isra’iil, si ay uga aargudato weerarro hore oo Israa’iil ku qaaday.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan waxay sheegtay in ay weerartay “tobaneeyo bartilmaameedyo ah, xarumo milatari iyo saldhigyo ciidan”.

Waxaa la arkay iftiin xoog leh oo cirka ka muuqda magaalada Quddus iyo Tel Aviv, xilli nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil, Iron Dome, uu isku dayay inuu joojiyo weerarka.

Sawirro laga helay Tel Aviv ayaa muujinaya dhismayaal waxyeelobay, halka adeegga gurmadka degdega ah ee Israa’iil uu sheegay in ugu yaraan shan qof ay dhaawacmeen.

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sheegay in Iran “ay gaysan doonto dharbaaxo culus” kadib markii ay Israa’iil “bilowday dagaal”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalkoodu dagaal kula jirin shacabka Iiraan balse uu yahay mid ka dhan ah hoggaanka dalkaas, isagoo ku celiyay: “Weli wax kale waa soo socda. Maamulka ma oga waxa ku dhacay, mana oga waxa dhici doona.”

Leave a Comment