29.8 C
New York
July 7, 2025
Kobciye.com – Hooyga Arimaha Bulshada

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Mucaaradka uga socday Muqdisho.

Axad, 01, June 2025{HMC} Waxaa goordhaw war-saxaafadeed laga soo saaray shirkii siyaasiyiinta mucaaradka maalmihii lasoo dhaafay uga socday hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho, shirkaas oo looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka , gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo xilliga kala guurka.

War-murtiyeedka goordhaw kasoo baxay mucaaradka, ayaa lagu cambaareeyay ku takrifalka awoodaha dowladda iyo musuqmaasuqa , eexda iyo boobka hantida dadweynaha iyo heshiisyada qarsoodiga ee kheyraadka dabiiciga uu dalku leeyahay.

Waxaa sidoo kale war-murtiyeedka walaac xooggan looga muujiyay muddo kororsiga sharcidarada ah ay sameesteen madaxda maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo ku biirista madaxda xisbiga uu Madaxweynaha hoggaamiyo.

Leave a Comment