Qisadii Cajiibka Aheyd Ee Cafis iyo Dulqaadka Saaxiibka!!!

Maalin ayay laba nin oo saaxiib ahaa Saxaaraha ku wada safreen. Iyagoo safarkooda ku jira ayuu muran dhex maray ka dibna midkooda ayaa dhirbaaxay saaxiibkiisa kale.

Kan la dhirbaaxay kama jawaabin, laakiin dhulka bacaadka ayuu ku qoray markhaati ka noqo dhirbaaxadaasi.

Muddo markii ay socdeen ayuu goob saxaaraha ka mid ah oo jilicsanayd ku siibtay ninkii la dhirbaaxay taasi oo hoos u qodnayd , laakiin saxiibkiisa dhirbaaxay ayaa usoo gurmaday oo ka badbaadiyay.

Markii uu soo badbaadiyay ayuu haddana goobtii saxaaraha ahayd ee adkayd ku qoray markhaati ka noqo inuu i badbaadiyay.

Ninkii ay saaxibka ahaayeen aya weydiiyay oo ku yidhi maxaad uga jeedaa “ Markii aan ku dhirbaaxay waxaad ku qortay bacaadka”? “Markaan ku badbaadiyayna waxaad ku qortay saxaaraha”?.

Ninkii ayaa ugu jawaabay: “ Markaan Bacaadka kugu Qoray waxaan ujeeday inaan ku Cafiyay, waayo Bacaadka waxaa soo maraya Dabeyl oo baabiinaysa qoraalka. Markaan Saxaaraha kugu Qorayna waxaan ujeeday inaan Abaalkaa kuu Hayo oo aan Weligay ku iloobi doonin, waayo Saxaaraha waxa ku qormaa ma baaba’yo.

Sidaas ayuu saaxiibka waxtarkiisu marar badan uga badan yahay dhibaato yar oo uu mar geystay. Waana halka maahmaahda carbeed ka soo baxday ee ah “ Qofkii Raadiya Saaxiib aan Ceeb laheyn, Saaxiib La’aan ayuu ku Hadhaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here